Wednesday, 16 March 2016

Wax Hubso Inta Aanad Wax Xukumin !



Si deg-dega ayaa dhakhtarkii qaliinku yimi cusbitalkii.
Qolkiisii buu galay waxaanu ku labistay dharkii qalliinka.
Waxa uu u dhaqaaqay qolkii qalliinka,waxaase dhexda kaga hor yimi nin oday ah oo aad u qaylinaya.
'' Waar maxaad intaas oo dhan nooga maqnayd?
Goor horaanu ku soo wacnay.Miyaanad ogayn in ilmahaygu qalliin deg-dega u baahanyahay oo noloshiisu khatar ku jirto?
Miyaanad lahayn dareen masuuliyadeed?
Dhakhtarkii oo dhoola caddaynaya ayaa yidhi ''Waan ka xumahay walaal,maan joogin cusbitaalka .Intaan soo socday ayuun baan kaa maqnaa walaal. Waxaan jeclahay inaad is dejiso anna shaqadayda aan qabsado.
Is dejiyaa? Bal maxaad samayn lahayd ilmahaaga oo qolkan yaala?
Ma is dejin lahayd?Haddii ilmahaagu dhinto intaad dhakhtar sugayso,ma is dejin lahayd?
Dhakhtarkii oo dhoola cadaynaya ayaa ugu jawaabay '' Waan dadaalaynaa ee u ducee ilmahaaga in Alle nagu guuleeyo qaliinkiisa''
Saacado ka dib waxaa qolkii ka soo baxay ,dhakhtarkii oo faraxsan. Allaa mahad leh.Waanu ku guulaysanay qaliinkii ilmahaaga ee wixii su'aala weydii inanta kalkaalisada ah.
ayaa uu yidhi dhakhtarkii ,waanu baxay.
Bal kibraanigan eega.Maxaa helaya haddii uu xaaladda ilmahayga si faahfaahsan iigu sheego? Waxa yidhi odaygii isagoo cadhaysan.
.Asagoo aan deganayn oo weli dhakhtarkii ilmihhisa badbaadiyey sii haaraamaya ayuu u galay kalkaalisadii .Markuu warkiisii dhammaystay ayaa ay hadalkeedii bilawday ayadoo ilmaynaysa.
Adeer si kale maaha ee shalay ayaa inankiisii baabuur jiidhay waanu geeryooday, aaskii xabaasha oon dhammaan ayaa qalliinka ilmahaaga loogu yeedhay waanu ka yimi aaskii oo dhammaan ,haddana xabaashii ayuu tegay si uu usoo aaso.
Ninkii odayga ahaa aad ayaa uu isu qoomameeyey.
Dullucda
1. Ha xukumin dadka adoon xaalkooda hubsan.
2.Dhib kasta oo aad dareemayso, agaw inay jiraan kuwo kaa darani
2. Waa muhiim inaan si deggan ula hadalnaa dadka cadhaysan.

No comments:

Naxwaha Afka-Soomaaliga oo kooban

  Naxwaha af-soomaaliga oo kooban  Buugga Qaamuuska Af-Soomaaliga   Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur Qaybaha ugu muhimsan ee na...