Wednesday, 16 March 2016

Sheekadii Boqorks


Sheekaba Sheekay keentaaye, beri hore waxaa jiray boqor lug wax ka qaba ( laangadhe) ah, ilna la' .
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu isugu yeedhay dadkii wax sawiri jiray ee deegaankaa uu xukumo oo dhan ku noolaa,waxaanu ka codsaday inay sawir uu leeyahay sameeyaan.
Sawiro qurxoon bay sawireen oo kala jaada balse sawir walba waxaa ka muuqday in boqorku yahay laangadhe weliba ishisa bidix maqantahay.
Nin ka mid ahaa dadka boqorku sawirka ka codsaday ahaana nin aad u farshaxan ah ayaa dadkii kale ka duwanaaday .Waxa uu sawiray boqorkii oo dhul aad u qurxoon jooga ,haystana leeb iyo qaanso ,isla markaana shiishaya deero .Sawirkaa boqorku waxa uu dhex jilba joogay meel caleen ah isha bidixna waa uu ururiyey isagoo si fiican u shiishaya deeradsaasi.
Waxa uu ahaa sawir qurxoon oo cid kasta ka yaabiyey.
Boqorkii aad buu ugu farxay.
Dullucda Sheekada
Qofka laxaad ahaan wax u qaba ma fiicna inaan magaciisa ka dhigno halka uu iinta ku leeyahay.
Bal qiyaas bulsha ahaan inta aad maalin kasta maqlayso:
Cawaraw, laangadhaw,gacanaw,tuuraw,faruuraw iyo kuwo kaloo lamida.
Waxa fiican inaynaan dhaawicin niyadda qofka walaal kaaya, isla markaana aan ku mahad naqno nimcoonyinka Alle.
Aad baad u mahadsantihiin.

No comments:

Naxwaha Afka-Soomaaliga oo kooban

  Naxwaha af-soomaaliga oo kooban  Buugga Qaamuuska Af-Soomaaliga   Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur Qaybaha ugu muhimsan ee na...