Wednesday, 16 March 2016

Bal caddaaladdaa eega.
Habeen kamid ah habeenada aadka u qabaw ayaa wefti uu diray Amiirkii Muslimiinta ee Cumar Binu CabdilCasiis ay soo gaadheen gurigii Amiirka. Si fiican ayaa Amiirkii usoo dhaweeyey wefdigii, waxaanu fadhiisiyey agtiisaanu ninkii wefdiga madaxda u ahaa .Dabaded waxa uu shiday shamac weyn oo ag yaalay.
Amiirkii waxa uu ku yidhi ninkii wefdiga hogaanka u ahaa iiga warran xaalka dadkii Muslimiinta ahaa eed ka timi,, sicirka ascaarta, iyo caruurtii ay dhaleen Muhaajiriinta iyo Ansaartu .
Ninkii waxa uu siiyey Amiirkii xog-warran dhammaystiran. Kadib waxa uu bilaabay in ka xaal waraysto Khaliifki Muslimiint Cumar Bin Cabdilcasiis arrimo naftiisa khuseeya sida caafimaadkiisa iyo qoyskiisaba. Dabadeed waxa istaagay Khaliifkii waxaanu u dhaqaaqay xaggii shamaca waanu afuufay si uu u damiyo. Dabadeed , waxa uu u yeedhay mid kamida inanadiisii waxaanu faray inuu usoo qaado shamac.Wiilkii yaraa soo laabay muddo yar kadib isagoo gacanta kuwada shamac yar oo ilayskiisu daciif yahay.
Ninkii ayaa weydiiyey amiirkii ‘‘ Ammiir ,markaan kuweydiiyey xaalkaaga iyo qoyskaaga maxaad shamaca inooga bakhtiisay?
Ammiirkii ayaa ugu jawaabay ‘‘ Shamaca aan bakhtiiyey waxaa iska lahaa Alle iyo dawladda Muslimiinta ,waxaanad ka warramaysay axwaashii Muslimiinta markuu baxayey, laakiin markaan bakhtiiyey waxaad I weydiisay xaalkayga iyo qoyskayga sidaas darteed baan u bakhtiiyey ,waayo anigu ma lihi shamaca ee dawladda Islaamkaa iska leh.
Dullucda Sheekada
Masuul kala garo xoolahaaga iyo kuwa dadka muslimiinta ahi wada leeyihiin.
Ka war- haynta xaaladaha dadka aad masuulka ka tahay waa waajib ku saaran.
Ogaw in xoolaha dadka ka dhexeeya ee aad lunsataa ay ilaahay agtiisa tahay danbi weyn aakhirana lagaala xisaabtami doono.
مَا بَالُ أَقْوَامٍ؟

Dullucda Qisada

No comments:

Naxwaha Afka-Soomaaliga oo kooban

  Naxwaha af-soomaaliga oo kooban  Buugga Qaamuuska Af-Soomaaliga   Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur Qaybaha ugu muhimsan ee na...