Beri hore oo aan dhawayn ayaa waxaa safar wada galay laba nin oo saaxiib ah.Dhul saxaare ah oo qalalan ayey ku safreen.Muddo dheer kolkii ay socdeen waxaa dhex maray khilaaf.Mid baa dhirbaaxay kiii kale.Kii la dhirbaaxay ayaa bilaabay inuu bataaxii ciidda ku qoro ‘’ Saaxiibkaygii qaaliga ahaa ayaa maanta I dhirbaaxay’’ waanay sii wateen safarkoodii.
Waxay socdaanba waxa ay ku soo baxeen godan biyood( Dhul godan oo biyo leh oo meelaha saxaara ah ku yaala), waxaanay bilaabeen inay ku maydhaan biyhii. Kii la dhirbaaxay ayaa ceel yar dul tegay si uu ugu maydho balse dhoobo ceelka qarkiisaa ayaa la siibatay waxaanu gunta u galay ceel dheer. Saaxiibkiisii markii hore dhirbaaxay oo ka ag dhawaa ayaa soo cararay oo badbaadiyey saaxiibkii kana soo saaray ceelkii.
Ninkii ceelka laga soo saaray ayaa bilaabay inuu dhagax u dhawaa ku xardho ‘’ Saaxiibkaygii ugu fiicnaa ayaa maanta bad baadiyey noloshayda’’
Saaxiibkii ayaa weydiiyey markii aan ku dhirbaaxay ee aan ku dhaawacay bataaxa ayaad wax ku qortay hadda oo aan ku badbaadiyeyna dhagax ayaad wax ku qortay.Maxay tahay sababtu?
Saaxiibkii ayaa ugu jawaabay ‘’ Marka qof wax ina yeelo waa inaan ku qornaa bataaxa si dabaylaha saamaxaadu u baabiiyaan, haddiise qof wax wanaagsan inoo qabto waa inaan ku xaradhnaa meel aan dabayshu masixi karin’’
Dullucda sheekadda
1. Adduunka khilaaf lagama waayi karo, balse cafi ciddii dhib ku gaysata.
2. Haddiisaaxiibkaa mar ku xumeeyey, waxa dhici karta inu marar kale wanaag ku sameeyo.
3. Haddii la is khilaafo macnaheedu maaha in lakala dhaqaajiyo oo aan dib la isu sheegan, balse waa in la xaliyaa.
4. Iska ilow qaladaadka saaxiibkaa, balse ha ilaawin wanaagyda uu kuu sameeyo

No comments:
Post a Comment