Wednesday, 16 March 2016

Hilibkii dabku kari waayey

Hilibkii dabku kariwaayey
Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin suuqa kasoo iibsaday waslad hillib ah si ay isaga iyo xaaskiisu ugu qadeeyaan.Intii uu jidka ku sii jiray ayaa salaaddii jimce la aadaamay waxaanu toos u galay masaajidkii xaafadiisa u dhawaa isagoo wasladiisii uu soo iibsadayna is ag dhigay.Markii salaaddii dhammaatay ayaa ninkii xaggii gurigiisa u ambabaxay.Xaaskiisii ayuu u dhiibay oo ku yidhi qadadii ka habsaanye casho inooga samee.
Gabadhii dherigii dabkii u dhardhaartay iyadoo u dhamaysay waxuu u baahnaa oo dhan.Saacado kadib ayey is tidhi dherigii dabka ka dhig waase yaabe maba moodid in uu yahay kii dabka la saaray.Waaba sidiisii oo xataa dhiiggii ayaa ka cas.
Gabadhii yaabatay waxaanay arrinkii uga warantay odaygeedii.Ninkii yaab,waxaanu arrintii uga warandoontay sheekhii masaajidka uu ku tukaday.Usheeg sheekhii isaga oo yaaban.
Sheekhii baa aad u faraxay uguna jawaabay ‘’ Shalay waxan ku duceeyey salaadda dhexdeeda anoo Alle u weydiiyey in aan naartu taaban wixii masaajidka ku jira’’
ALXAMDU LILAAH

No comments:

Naxwaha Afka-Soomaaliga oo kooban

  Naxwaha af-soomaaliga oo kooban  Buugga Qaamuuska Af-Soomaaliga   Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur Qaybaha ugu muhimsan ee na...