BARBAARINTA IYO CASRIGAN FURAN(GLOBOLIZATION
Waxaa bilowday qarnigan 21aad, xayaysiisyo loo samaynayo barnaamij loogu magacdaray casriga furan (globalization) waxay dad badan u qabaan casri fiican, laakiin waa casri dhibkiisa wata, casrigii hore, waxaa aad u koobnaa resource ilmuhu helaan, waxaa uu ku koobnaa cajalado duuban iyo idaacado iyo TV-yo aad u koobnaa, laakiin casrigan la galay waa mid halkii dish oo TV -yada lagu xiraa uu qabanayo in ka badan 1000 chanel oo 99% ka kooban waxyaalo aan caruurta u fiicneyn, qaarna ay yihiin kuwo ku barbaarinaya xumaanta guud ahaaneed. ma ahan casrigan mid xun, maxaa yeelay casri kasta wuxuu leeyahay mashaakilkiisa, laakiin waxaa nalooga baahana yahay inaad aad u taxadarno, waxaa nala ka rabaa inaan casrigan waxyaalaha uu ubaahan yahay adeegsano, si aan u xallino mashaakilkaas. hadaba waxaa loo baahan yahay in waalidku qaado tallaabooyinkaanL:- · in aad looga feejignaato TV-ga, hadii caruurta loo dhigo dhib weyn ayuu keenayaa, laakiin in loogu bedelo dvd player. · in caruurta waqti maalinle ah la siiyo oo ay ciyaaraan, da' walba ciyaar u qalanta, si looga mashquuliyo dhibaatooyinka casriga. · in ilmaha kalsooni la siiyo, islamarkaasna culeyska la saaro 7sano ee hore, lana xoojiyo iimaanka. · in aad loola socdo caruurta saaxiibadood, maadaama ay saameyn weyn leedahay. · in baahiyaha nafsiga ah ee caruurta la daboolo, si ay san u jeclaan dadkale BAARITAANO LA SAMEEYEY OO TV-GA Dhibaatooyin badan ayay kala kulmeen caruurta Yurub iyo America, kuwaas oo ukala qaadaya labo dhinac, dhinaca kororka caruurta danbiyada galaysa oo sii badanaysa, iyo qallafsanaanta caruurta yaryar, dhinaca kale xanuunada nafsiga ah iyo kuwa physical ka ee caruurta ku dhacaya oo batay, kuwaas oo ah ama dhinaca indhaha iyo maskaxda. 1. Dhinaca doorka telefishinku uu ku leeyahay kicinta danbiyada, waxaa culumada danbiyadu leeyihiin, khuburo dawladu maraykanku usaartay baaritaanada TV-ga iyo danbiyada, ayaa waxay warbixintoodii cinwaan uga dhigeen, “TELEFISHINKU WAA MACALINKA DANBIYADA” taas oo macnaheedu yahay inuu si toos ah u dhiirigelinayo danbiyada, waxaa madaxweyne John Kenady uu yiri “danbiyada ay dhalinyaradu galayaan aad ayay u korortay, waana telefishinada, waxaan u baahanahay 5 million oo dollar in looga hortago sannadkii. Baaritaano ay sameysay jaamicada Sheffield, taas oo ay ku baarayeen dhinaca danbiyada argagaxa leh, waxaa soo heleen in filimada cartoons ka ah ay ku jiraan 70% danbiyo iyo kharibaad, taas oo aad manta ogtihiin in caruurta iyo cartoonka la isu daayay, tan labaad waxaa kartoonka Tom & Cherry oo bilowday 1940 ay ku tilmaameen 10 film ee aduunka ugu argagaxa badan, marka la fiiriyo qaabka dagaalkiisa, waxaa cartoonka Tom &Cherry lagu bandhigayaa fariimo khaldan oo ah in jiirku ka fiican yahay bisada oo ah xayawaan rabaayad ah, laakiin jiirku uu yahay mid fiican, bal caruurtaada weydii, kan ay jecelyihiin Tom and Cherry. Tom oo bisad ah iyo Jerry oo jiirka ah, waxay gudbinayaan fariin khaldan oo ah in jiirku ka fiican yahay bisada, waxaana lagu soo bandhigaa jiir xaragoonaya oo dadka oo dhan saaxiib la ah, isla markaasna aad u xeelad badan, laakiin bisada waxaa laga soo qaadayaa xayawaan liita oo aan waxba tarin, films-ka cartoonku waa kuwa ugu khatarsan marka loo shidayo caruurta yaryar, waxyaalo aan run ahayn ayaa ilmaha laga dhaadhicinayaa, waxaana alifta shirkada Holywood ee maraykanka laga leeyahay. Sidaas darted wasiirka arimaha isgaarsiinta ee Britain ayaa amartay in lagu soo rogo xayiraado, kanaalkii faafiyo films argagax leh, iyadoo la sameeyo meelo lagu baaro,lagana dabo galo Warbaahinta. Waxay kaloo sheegeen aqoonyahanka maraykanku oo leh Chanels faro badan, in talafishinku yahay meesha laga dhiirigeliyo danbiyada, iyadoo ilmaha 12 jir ee Mareykanka ku nool uu daawaday 12000 oo danbi oo dil ah, waxaana arintaas masuul ka ah TV-yada. Qisooyinkaan fiiri · Wiil Lubnaani ah oo 15jir ah, ayaa wuxuu jeclaa films-ka qar-iska-tuurka loo yaqaan, markaasuu meel dheer iska tuuray wuuna dhintay. · Wiil yar oo 8 jir Hindi ah ayaa wuxuu daawaday xayaysiis qasaalad loo sameeyey, markaas ayuu walaalkiis ku riday qasaalada wuuna dhaqay, wiilkii yaraa sidaasuu ku dhintay, markii la baarayna waxaa la ogaaday in xayaysiisku si khaldan loo diyaariyey. · Wiil yar oo 5jir Faransiis ah oo xabbad ku riday saaxiibkiis, ayaa la weydiiyey meeshee ka baratay sida loo rido xabbada, wuxuu ka bartay filmi holywood ah. Qisooyinkaas iyo kuwa badan ayaa maalin kasta dhacaya, waxaana door weyn ku leh warbaahinta, hadii wararka la siidaayo ay ku jiraan sawiro naxdin leh, ama danbiyo waa in wariyuhu sheegaa danbigaas inuu xun yahay, islamarkaasna uu raaciyaa waxa ay mudan doonaan, isaga oo ugoodinaya in sharciga la horkeeno. 2. Tan labaad wuxuu TV-gu xanuuno nafsi iyo jir ahaan ah u keenaa caruurta daawada, tan ugu horeysa waa indhaha, maadaama ay shaaashadu soo deynayso iftiin saacado badana uu ilmihii daawanayo, waxaa khatar ah in araga ay waxyeelaan, tan kale waxaa ku yaraanaya hurdada, taas oo u keenaysa cunto xumo iyo koriin xumo iyo qarow habeenkii ah. Waxaan waalidka kula talinaynaa in waqtigan lagu jiro laga taxadaro sida looga ilaalin lahaa caruurta TV-ga, iyadoo loo sameynayo wax loogu badalo, tusaale cajalado DVD iyo maxaadarooyin iyo qalab ay ku ciyaaraan.
