Thursday, 29 June 2023

Naxwaha Afka-Soomaaliga oo kooban

 


Naxwaha af-soomaaliga oo kooban 

Buugga Qaamuuska Af-Soomaaliga

 Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur

Qaybaha ugu muhimsan ee naxwaha af-soomaaliga, oo looga baahanyahay xagga sifaynta Af-soomaaliga, oo caadiyan loo yiqiin “qaybaha hadalka”, waxay yihiin: magacyada, cayimayaasha (determiners), magacuyaallada, falalka iyo qurubyada. 

Inta aan loo gudaggelin sifaynta qayb walba waxaa muhim ah in hoosta laga xarriiqo waxyaabaha qaarkood ee u gaarka ah ereyada af-soomaaliga. 

Ereyada af-soomaaliga waxaa ka mid ah ereyo badan oo lagu magacaabi karo erey-saleedyo, yacnii waa ereyo aan weli naxwe ahaan caddayn waxa ay yihiin. 

Erey-saleedyada waxaa laga heli karaa weerta dhaxdeeda iyagoo ah magac, kaasoo noqon kara yeele ama layeele (toosan/dadban), ama isagoo ah fal u 

shaqaynayo khabar ahaan (predicate). Tus.:

- Qosol (erey-saleed) 

Halkan qosol loogama baahna (waa magac) 

Wiilku waa qoslay (waa fal) 

- Caddayn (erey-saleed) 

Caddayn baa lagaa rabaa (magac) 

Waxaan caddaynayaa inaad shaqaysay (fal) 

- Quusad (erey-saleed) 

Iska ilaali quusadka (magac) 

Inta aadan quusanin ayaan kula hadlayaa (fal) 

Haddaba waxaa la doorbiday in qaamuuska laba jeer lagu qoro ereyada la midka ah ereyga qosol isagoo magac ah iyo isagoo fal ah. 

Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa astaamaha guud ee ay leeyihin koox naxweedyada ama qaybaha hadalka ee la xiriira ereyada af-soomaaliga. 

1. Magacyada 

Magacyadu waxay tilmaamaan dad, duunyo, shay, ra’yi, fal iwm sida: 

nin, ari, buug, figrad, maanta, bixid iwm. Haseyeeshe waxaa loo sii kooxeeyaa 

iyaga oo laga eegayo qaar ka mid ah astaamahooda la xiriira micnahooda, 

madaama astaamahaasi ay muujinayaan qaabab sarfeed iyo weereed oo kala 

duwan. Magacyadu waxay la socon karaan cayimayaal (determiners), 

kuwaasoo dib loogu lifaaqo magacyada, sida aan ku arki doonno qaybaha soo

socda.

1.1 Qaybaha magacyada 

Guud ahaan magacyadu waxay u kala baxaan: 

B. Magacyo gaar ah, kuwaasoo lagu aqoonsado qof ama shey gaar ah, sida: 

Cali, Maryam, Moqdisho iwm. 

T. Magacyo guud, kuwaasoo ah macgacyo aan cidna u gaar ahayn, sida: 

geed, nin magaalo, duqnimo iwm, waxaana lagu lifaaqi karaa cayimayaal, waxaana laga dhigi karaa wadar. 

Magacyada guud laba qaybood ayaa loo sii kala saaraa: 

Magacyo cillanaad oo ay tilmaamayaan wax shanteenna dareemayaal aanu dareemi karin sida: ra’yi, ceeb, run, jacayl, dadnimo iwm. 

Magacyo caadyaal ah oo tilmaamayaan wax nool ama shay la arki karo oo la taaban karo sida: nin, guri, ari, geed iwm. 

Magacyada caadyaalka ahi waxay u sii kala baxaan laba qaybood: 

 Magacyo tirsama oo ah magacyo tilmaamaya dad ama shay la tirin 

karo, sidaa darteed magacyadaas qaab wadareed ayay lahaan karaan. Tus.:

buug, guri, nin iwm. 

afar buug ayaan akhriyey. 

buugag baan kuu soo iibiyey. 

Magacyo aan tirsamin waa magacyo tilmaamaya wax aan la tirin karin sida: sonkor, biyo, caano, ciid iwm, sidaa darteed suurtaggal ma ah in aan niraahno:* hal sonkor, * laba caano, *afar ciid iwm. Tus.: 

*labo biyo ayaan rabaa (waa qalad) 

biyo badan ayaan rabaa (waa sax). 

Arrirtan ayaa ugu wacan in ereyadani aanay lahaan karin qaab wadareed. Waxaa kaloo ka mid ah magacyada aan tirsamin magacyo kale oo aan tilmaamaynin qof ama neef xayawaan ah oo keliya, laakiinsee tilmaamaya koox dad ama duunyo ah, oo loo arkayo sidii wax midaysan ama urur ah, sidaa darteed lama raacsin karo tiro wadareed, magacyadaasna waxaa lagu magacaabaa magacyo urur, 

waxaana ka mid ah: dad, dumar, ari, ido, caruur, geel iwm.Tus.: 

*afar dad ayaan arkay (qalad) 

 dad badan ayaan arkay (sax) 

Sida muuqata magacyadan lama raacsiin karo tiro wadareed, waxaase la raacsiin karaa oo keliya ereyga “badan”, sidaa darteed waxay qayb ka yihiin 

magacyada aan tirsamin, haseyeeshee qaab ahaan magacyadan waa la wadarayn karaa iyagoo lagu lifaaqayo dibkabe wadareed oo iyaga u gaar ah 

(–yaw), sida: dadyaw, geelyaw oo loola jeedo dad badan, geel badan. 

1.2 Astaamaha guud ee magacyada 

B. Caynta: lab iyo dheddig 

Caynta magaca, gaar ahaan marka aan qodob raacsanayn, waxaa lagu 

gartaa codkaca iyo dhammaad yara kala duwan ee ay leeyihiin 

magacyada qaarkood, dib baanse uga faalloon doonnaa arrintaas. 

Magacyada labeed 

Waxaa ka mid ah: nin(ka), ari(ga), miis(ka), gabay(ga), fal(ka) iwm. 

Magacyada labeed waxaa lagu aqoonsadaa codkaca (tone) oo ku dhaca shaqalka ka horreeyo midka ugu dambeeya, magacyada dheddigna shaqalka ugu dambeeya ayaa codkacu ku dhacaa. Sidaa darteed aad ayay u badanyihiin magacyada mataanaha ah, oo kala duwanaanta codkacooda uun lagu kala sari karo micnaha kala duwan ee ay kala leeyihiin labada magac oo lab iyo dheddig kala ah sida kuwa soo socda: 

shaqalka ka horreeyo midka ugu dambeeya, magacyada dheddigna 

shaqalka ugu dambeeya ayaa codkacu ku dhacaa. Sidaa darteed aad ayay u badanyihiin magacyada mataanaha ah, oo kala duwanaanta 

codkacooda uun lagu kala sari karo micnaha kala duwan ee ay kala leeyihiin labada magac oo lab iyo dheddig kala ah sida kuwa soo socda: 




Naxwaha Afka-Soomaaliga oo kooban

  Naxwaha af-soomaaliga oo kooban  Buugga Qaamuuska Af-Soomaaliga   Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur Qaybaha ugu muhimsan ee na...