Thursday, 30 June 2016
Monday, 21 March 2016
Saturday, 19 March 2016
Wednesday, 16 March 2016
Sheekadii Boqorks
Sheekaba Sheekay keentaaye, beri hore waxaa jiray boqor lug wax ka qaba ( laangadhe) ah, ilna la' .
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu isugu yeedhay dadkii wax sawiri jiray ee deegaankaa uu xukumo oo dhan ku noolaa,waxaanu ka codsaday inay sawir uu leeyahay sameeyaan.
Sawiro qurxoon bay sawireen oo kala jaada balse sawir walba waxaa ka muuqday in boqorku yahay laangadhe weliba ishisa bidix maqantahay.
Nin ka mid ahaa dadka boqorku sawirka ka codsaday ahaana nin aad u farshaxan ah ayaa dadkii kale ka duwanaaday .Waxa uu sawiray boqorkii oo dhul aad u qurxoon jooga ,haystana leeb iyo qaanso ,isla markaana shiishaya deero .Sawirkaa boqorku waxa uu dhex jilba joogay meel caleen ah isha bidixna waa uu ururiyey isagoo si fiican u shiishaya deeradsaasi.
Waxa uu ahaa sawir qurxoon oo cid kasta ka yaabiyey.
Boqorkii aad buu ugu farxay.
Dullucda Sheekada
Qofka laxaad ahaan wax u qaba ma fiicna inaan magaciisa ka dhigno halka uu iinta ku leeyahay.
Bal qiyaas bulsha ahaan inta aad maalin kasta maqlayso:
Cawaraw, laangadhaw,gacanaw,tuuraw,faruuraw iyo kuwo kaloo lamida.
Waxa fiican inaynaan dhaawicin niyadda qofka walaal kaaya, isla markaana aan ku mahad naqno nimcoonyinka Alle.

Aad baad u mahadsantihiin.
Wax Hubso Inta Aanad Wax Xukumin !
Si deg-dega ayaa dhakhtarkii qaliinku yimi cusbitalkii.
Qolkiisii buu galay waxaanu ku labistay dharkii qalliinka.
Waxa uu u dhaqaaqay qolkii qalliinka,waxaase dhexda kaga hor yimi nin oday ah oo aad u qaylinaya.
'' Waar maxaad intaas oo dhan nooga maqnayd?
Goor horaanu ku soo wacnay.Miyaanad ogayn in ilmahaygu qalliin deg-dega u baahanyahay oo noloshiisu khatar ku jirto?
Miyaanad lahayn dareen masuuliyadeed?
Dhakhtarkii oo dhoola caddaynaya ayaa yidhi ''Waan ka xumahay walaal,maan joogin cusbitaalka .Intaan soo socday ayuun baan kaa maqnaa walaal. Waxaan jeclahay inaad is dejiso anna shaqadayda aan qabsado.
Is dejiyaa? Bal maxaad samayn lahayd ilmahaaga oo qolkan yaala?
Ma is dejin lahayd?Haddii ilmahaagu dhinto intaad dhakhtar sugayso,ma is dejin lahayd?
Dhakhtarkii oo dhoola cadaynaya ayaa ugu jawaabay '' Waan dadaalaynaa ee u ducee ilmahaaga in Alle nagu guuleeyo qaliinkiisa''
Saacado ka dib waxaa qolkii ka soo baxay ,dhakhtarkii oo faraxsan. Allaa mahad leh.Waanu ku guulaysanay qaliinkii ilmahaaga ee wixii su'aala weydii inanta kalkaalisada ah.
ayaa uu yidhi dhakhtarkii ,waanu baxay.
Bal kibraanigan eega.Maxaa helaya haddii uu xaaladda ilmahayga si faahfaahsan iigu sheego? Waxa yidhi odaygii isagoo cadhaysan.
.Asagoo aan deganayn oo weli dhakhtarkii ilmihhisa badbaadiyey sii haaraamaya ayuu u galay kalkaalisadii .Markuu warkiisii dhammaystay ayaa ay hadalkeedii bilawday ayadoo ilmaynaysa.
Adeer si kale maaha ee shalay ayaa inankiisii baabuur jiidhay waanu geeryooday, aaskii xabaasha oon dhammaan ayaa qalliinka ilmahaaga loogu yeedhay waanu ka yimi aaskii oo dhammaan ,haddana xabaashii ayuu tegay si uu usoo aaso.
Ninkii odayga ahaa aad ayaa uu isu qoomameeyey.
Dullucda
1. Ha xukumin dadka adoon xaalkooda hubsan.
2.Dhib kasta oo aad dareemayso, agaw inay jiraan kuwo kaa darani
2. Waa muhiim inaan si deggan ula hadalnaa dadka cadhaysan.

Aabahaa muxuu qabtaa?
Macalin ayaa ardaydiisa mid kamid ah wediiyey ‘’ Maxaa uu qabtaa aabahaa?
Ardayaddii yarayd ayaa ugu jawaabtay ‘’ aabahay waxa uu ka shaqeeyaa warshad yar oo lagu sameeyo Jokolaatada waxaanu ii keenaa jokolaato farabadan .
Galabtii waxa uu ka shaqeyaa warshad samaysa ice creamka ,waxaanu ii keenaa ice cream fara badan.
Waxaanan ka sugaa ice cream macaan.Sidoo kale waxa uu ka shaqeeyaa dukaanka iibiya qalabka caruurta oo waxa uu ii keenaa qalabka caruurtu ku ciyaarto sida caruusado iyo gawaadhi yar-yar.
Aabahay sidoo kale waa macalinkayga oo waxa uu iga caawiyaa casharadayda fiidkii.Aabahay waa xoog waana hawl kar.Waxa uu igu qaadaa garbihiisa,mararka qaarna waaba faraskayga oo dhabarkiisaan fuulaa aqalkaanu igu dhex wareejiyaa.
Aabahay waa majaajilayste waanu iga qosliyaa in badan.Waxa uu iiga sheekeeyaa sheekooyin xiiso badan habeenkii marka aan seexanayo. Waa uu shaqeeyaa subax ilaa galab mana daalo runtii.Markasta oo uu guriga ku soo laabto waxa uu waxa uu diyaar u yahay in uu ila ciyaaro.
Dulucda sheekada
1.Caruurtu waxa ay xaq u leeyihiin in aan u muujino jacayl iyo naxariis.
2. caruurtu ma qiimeeyaan shaqooyinka waxaa aan ka shaqayno ee waxa ay qiimeeyaan waxa aan u qabano.
3.Waa muhiim in aan ubadkeenna wakhti siinaa oon kala qayb qaadanaa farxadooda.
4. Aynu Ubadkeena siino wakhti si ay iyana hadhaw wakhti inoo siiyaan.
Waa mahadsanthiin.

Laba Saaxiib.
Beri hore oo aan dhawayn ayaa waxaa safar wada galay laba nin oo saaxiib ah.Dhul saxaare ah oo qalalan ayey ku safreen.Muddo dheer kolkii ay socdeen waxaa dhex maray khilaaf.Mid baa dhirbaaxay kiii kale.Kii la dhirbaaxay ayaa bilaabay inuu bataaxii ciidda ku qoro ‘’ Saaxiibkaygii qaaliga ahaa ayaa maanta I dhirbaaxay’’ waanay sii wateen safarkoodii.
Waxay socdaanba waxa ay ku soo baxeen godan biyood( Dhul godan oo biyo leh oo meelaha saxaara ah ku yaala), waxaanay bilaabeen inay ku maydhaan biyhii. Kii la dhirbaaxay ayaa ceel yar dul tegay si uu ugu maydho balse dhoobo ceelka qarkiisaa ayaa la siibatay waxaanu gunta u galay ceel dheer. Saaxiibkiisii markii hore dhirbaaxay oo ka ag dhawaa ayaa soo cararay oo badbaadiyey saaxiibkii kana soo saaray ceelkii.
Ninkii ceelka laga soo saaray ayaa bilaabay inuu dhagax u dhawaa ku xardho ‘’ Saaxiibkaygii ugu fiicnaa ayaa maanta bad baadiyey noloshayda’’
Saaxiibkii ayaa weydiiyey markii aan ku dhirbaaxay ee aan ku dhaawacay bataaxa ayaad wax ku qortay hadda oo aan ku badbaadiyeyna dhagax ayaad wax ku qortay.Maxay tahay sababtu?
Saaxiibkii ayaa ugu jawaabay ‘’ Marka qof wax ina yeelo waa inaan ku qornaa bataaxa si dabaylaha saamaxaadu u baabiiyaan, haddiise qof wax wanaagsan inoo qabto waa inaan ku xaradhnaa meel aan dabayshu masixi karin’’
Dullucda sheekadda
1. Adduunka khilaaf lagama waayi karo, balse cafi ciddii dhib ku gaysata.
2. Haddiisaaxiibkaa mar ku xumeeyey, waxa dhici karta inu marar kale wanaag ku sameeyo.
3. Haddii la is khilaafo macnaheedu maaha in lakala dhaqaajiyo oo aan dib la isu sheegan, balse waa in la xaliyaa.
4. Iska ilow qaladaadka saaxiibkaa, balse ha ilaawin wanaagyda uu kuu sameeyo

Hilibkii dabku kari waayey
Hilibkii dabku kariwaayey
Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin suuqa kasoo iibsaday waslad hillib ah si ay isaga iyo xaaskiisu ugu qadeeyaan.Intii uu jidka ku sii jiray ayaa salaaddii jimce la aadaamay waxaanu toos u galay masaajidkii xaafadiisa u dhawaa isagoo wasladiisii uu soo iibsadayna is ag dhigay.Markii salaaddii dhammaatay ayaa ninkii xaggii gurigiisa u ambabaxay.Xaaskiisii ayuu u dhiibay oo ku yidhi qadadii ka habsaanye casho inooga samee.
Gabadhii dherigii dabkii u dhardhaartay iyadoo u dhamaysay waxuu u baahnaa oo dhan.Saacado kadib ayey is tidhi dherigii dabka ka dhig waase yaabe maba moodid in uu yahay kii dabka la saaray.Waaba sidiisii oo xataa dhiiggii ayaa ka cas.
Gabadhii yaabatay waxaanay arrinkii uga warantay odaygeedii.Ninkii yaab,waxaanu arrintii uga warandoontay sheekhii masaajidka uu ku tukaday.Usheeg sheekhii isaga oo yaaban.
Sheekhii baa aad u faraxay uguna jawaabay ‘’ Shalay waxan ku duceeyey salaadda dhexdeeda anoo Alle u weydiiyey in aan naartu taaban wixii masaajidka ku jira’’
ALXAMDU LILAAH

Bal caddaaladdaa eega.
Habeen kamid ah habeenada aadka u qabaw ayaa wefti uu diray Amiirkii Muslimiinta ee Cumar Binu CabdilCasiis ay soo gaadheen gurigii Amiirka. Si fiican ayaa Amiirkii usoo dhaweeyey wefdigii, waxaanu fadhiisiyey agtiisaanu ninkii wefdiga madaxda u ahaa .Dabaded waxa uu shiday shamac weyn oo ag yaalay.
Amiirkii waxa uu ku yidhi ninkii wefdiga hogaanka u ahaa iiga warran xaalka dadkii Muslimiinta ahaa eed ka timi,, sicirka ascaarta, iyo caruurtii ay dhaleen Muhaajiriinta iyo Ansaartu .
Ninkii waxa uu siiyey Amiirkii xog-warran dhammaystiran. Kadib waxa uu bilaabay in ka xaal waraysto Khaliifki Muslimiint Cumar Bin Cabdilcasiis arrimo naftiisa khuseeya sida caafimaadkiisa iyo qoyskiisaba. Dabadeed waxa istaagay Khaliifkii waxaanu u dhaqaaqay xaggii shamaca waanu afuufay si uu u damiyo. Dabadeed , waxa uu u yeedhay mid kamida inanadiisii waxaanu faray inuu usoo qaado shamac.Wiilkii yaraa soo laabay muddo yar kadib isagoo gacanta kuwada shamac yar oo ilayskiisu daciif yahay.
Ninkii ayaa weydiiyey amiirkii ‘‘ Ammiir ,markaan kuweydiiyey xaalkaaga iyo qoyskaaga maxaad shamaca inooga bakhtiisay?
Ammiirkii ayaa ugu jawaabay ‘‘ Shamaca aan bakhtiiyey waxaa iska lahaa Alle iyo dawladda Muslimiinta ,waxaanad ka warramaysay axwaashii Muslimiinta markuu baxayey, laakiin markaan bakhtiiyey waxaad I weydiisay xaalkayga iyo qoyskayga sidaas darteed baan u bakhtiiyey ,waayo anigu ma lihi shamaca ee dawladda Islaamkaa iska leh.
Dullucda Sheekada
Masuul kala garo xoolahaaga iyo kuwa dadka muslimiinta ahi wada leeyihiin.
Ka war- haynta xaaladaha dadka aad masuulka ka tahay waa waajib ku saaran.
Ogaw in xoolaha dadka ka dhexeeya ee aad lunsataa ay ilaahay agtiisa tahay danbi weyn aakhirana lagaala xisaabtami doono.
مَا بَالُ أَقْوَامٍ؟

Dullucda Qisada

Subscribe to:
Posts (Atom)
Naxwaha Afka-Soomaaliga oo kooban
Naxwaha af-soomaaliga oo kooban Buugga Qaamuuska Af-Soomaaliga Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur Qaybaha ugu muhimsan ee na...
-
Classroom Management Sometimes it feels like we are herding cats. Session Objective At the end of this article teachers should be able to:...
-
Si deg-dega ayaa dhakhtarkii qaliinku yimi cusbitalkii. Qolkiisii buu galay waxaanu ku labistay dharkii qalliinka. Waxa uu u dhaq...